RW Rooble iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo ku wajahan dalka Qatar.

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan dalka Qatar, kaddib markii uu Martiqaad rasmi ah uu ka helay dowladda Qatar.Ra’iisul Wasaare Rooble marka uu tagay dalka Qatar ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda dalkaasi, iyada oo sidoo kale Xubnaha la socda ay kulan duceedyo layeelanayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar.

Safarka R/wasaare Rooble ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu tagayo dalka Qatar, tan iyo markii loo Magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  17-kii Bishii September sanadkii 2020.kii

R/Wasaare Rooble ayaa horey waxaa uu safar ku tagay dalalka Masar, Kenya, Jabuuti, isagoona halkaasi kulamo kula qaatay madaxda wadamadaasi.