Mucaarad Itoobiyaan ah oo afduubtey ugu yaraan 145 qof G/Beninshangul-Gumuz.

Koox mucaarad ah oo Itoobiyaana, ayaa afduubtey uggu yaraan 145 qof oo rayid ah, gobolka galbeedka ee Beninshangul-Gumuz.Afduubkan ayaa yimid ka gadaal markii halkaasi uu dagaal culus ku dhex marey ciidanka ammaanka iyo dagaal yahano mucaarad ah, iyadoo markaasi ay barakaceen dad kumanaan gaaraya.

Guddiga ay magacawday dowladda ee qaabilsan xuquuqda aadanaha, ayaa sheegay in kooxda isku magacawdey dhaq dhaqaaqa dimuqraadiyada dadka Gumuz, ay ka afduubeen dad rayid ah goobta la yiraahdo Sedal.

Dagaalka ayaa waxa uu dhex marey ciidamada gobolka ee ammaanka iyo kooxda mucaaradka, isagoo socdey muddo, wuxuuna soo gaarey illaa iyo axaddii ina dhaaftey

Dadka barakacey ayaa u baahan gargaar degdega, iyadoo ayjiraan caqabado badan, sidaasi waxaa qorey guddiga iyo warbaahinta maxaliga.

Gobolka Beninshangul-Gumuz ayaa waxaa ku yaalla biyo xireenka weyn ee Itoobiya, iyadoo ay hala keeyeen dagaallo dhex maraya ciidamo ammaanka iyo dagaal yahanada mucaarad oo iska soo hojeeda sanadihii ugu danbeeyey.