Madaxweyne Farmaajo oo u amababaxay Dalka Itoobya.

Muqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka,waxay booqashadiisu la xiriirtaa ka qeybgalka xaflad lagu maamuusaayo caleemo saarka Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminaayo,waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagotiyay mas’uuliyiinta labada gole iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.