Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya oo geeriyootay

Muqdisho:- Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan bahda Waxbarashada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare Khadra Bashiir Cali oo ku geeriyootay magaaladda Columbus, gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxay Alle uga baryeen  inuu naxariitiisa janno siiyo,iyagoo tacsida la wadaagay Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, qaraabadii Iyo bahda waxbarashada.

Alle ha u naxariistee, Wasiir Khadra bashiir Cali, waxay ahayd wasiirkii ugu horeeyay ee bilaabay imtixaanka Qaranka ee ay Qaado wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta sare ka dib burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya.