Sheekh Shaakir oo shaaciyay sababta ay dagaalka uga wadaan Galmudug.

Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna Waljaamaca ayaa sheegay in degaannada Galmudug ugu soo laabteen inay la dagaalamaan Ururka Al-Shabaab oo ku sugan meelo kamid ah degaannada Maamulkaas.Sheekh Shaakir oo ku sugan degmada Guriceel ayaa sheegay inay dib ugu soo laabteen codsi uga yimid Bulshada Galmudug kadib markii ay dareemeen cabsi la xiriirta Al-Shabaab.

Waxaa uu sicad u sheegay in Ahlusunna iyo Shacabka kunool degaannada Galmudug ay la’yihiin cid ka gacan siisa la dagaalanka Al-Shabaab, balse haatan ay diyaar u yihiin in dhamaan degaanada Galmudug ka xoreeyaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna waxaa uu sheegay in Ahlusunna ay garab ka heleyso Maamulka Puntland oo ku taageeray Hub iyo Gaadiid dagaal waa sida uu hadalka u dhigay.

Warkaan kasoo yeeray Sheekh Maxamed Shaakir oo ka tirsan Hovvaanka Ahlusunna ayaa kusoo aadaya xilli mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay Ahlusunna ku eedeeyeen inay colasd ka abuurayaan degaannada Galmudug, isla markaana ay doonayaan kursi siyaasadeed.