Britain oo difaacday siyaasaddeeda ku aadan dadka soogalootiga ah,

Ra’iisal wasaaraha Britain, ayaa difaacay siyaasadihii ku aaddan soogalootiga, xilli dalkaas uu wajahayo shaqaale yari saameysay qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha.

Boris Johnson ayaa sheegay in aan lagu laaban karin xaaladdii ay soogalootiga sida qulqulka ahi ugu soo gali jireen Britain xilligii ay ka midka ahayd Midowga Yurub.

Waxa uu dhanka kale qiray in culayska hadda taagan uu jiro karo illaa dhammaadka sanadkan, balse loo baahan yahay in Britain ay xoogga saarto tababarka shaqaalaheeda.