Soo ifbixii Ahlu-sunnah Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay la wareegeen magaalada, sida ay goobjoogayaal u sheegeen BBC-da. Waxaa la sheegayaa inuusan wax dagaal ah dhicin.

Maxaan ka ognahay Ahlu Sunna?

Ahlu-sunna ayaa markii ugu horeysay soo ifbaxday sanaddii 2010 iyaga oo ka bilaabmay gobolka Galgaduud.

Waxaa laga asaasay deegaanada Galmudug islamarkana waxa ay taageero badan ka heleen dadkii deegaanka.

Xilliga waxaa degaanadaasi ku xooganaa Al-habab.

Ilsa sanadaasi 2011 ayaa waxa ay billaabeen in ay dagaal la galaan Al-Shabaab. Waxaa lagu bilaabay dhalinyaradii xirta ahayd ee deegaanadaasi kutubta ka akhrisanayay.

Asasaakooda ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay al-Shabab dileen qaar ka mid ah culumadii halkaasi joogay islamarkana ay qaar kale isaga carareen.

24-kii April, 2011, Ahlusunna Waljamaaca ayaa Al-Shabaab kala wareegtay Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Ahlu Sunna ayaa markii dambe xoog ku muquunisay Al-Shabaab, isla markaana ka saartay inta badan deegaannada gobollada dhexe.

Qaar ka mid ah dagaalyahanada Ahlu Sunnaha

Ciidamada Ahlu-Sunah ayaa waxa ay inta badan ku tiirsanayeen dowladda Itobiya oo gacan ka siisay in Shabaab ay dib uga qabsadaan meel badan oo gobolada dhexe ka mid ah.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay Ahlu Sunna waxay ahaayeen cudud muuqata oo gorgortan weyn ku leh arrimaha gobolladaasi.

Hogaamiyayaasha Ahlu-Sunnah ee hadda.

Ahlu Sunna ayaa waxaa hadda hogaamiya sheikh Maxamed shaakir iyo Maclin Maxamed.

Labadan hogaamiye ayaa waxa ay horey uga mid ahaayeen culumada gobolka Galgaduud

Waxaa sidoo kale jira abaanduulayaal dhanka ciidanka ah.

Qaar ka mid ah Shacabka Guriceel oo isu soo baxay ka dib markii ay Ahlu Sunna la wareegtay magaaladaasi

Xilligii dowladdii Xasan Sheekh

Waxay si weyn loollan ula galeen dowladdii Xasan Sheekh, mar la doonayay in la dhiso maamulka Galmudug oo xaruntiisa ku meelgaarka ah in muddo ah ku shaqeynayay.

Hase yeeshee, Dhuusamareeb ayay Ahlu Sunna uga dhawaaqday maamul ay ugu magacdartay “Dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe”, waxaana jiray in sanaddadii dambe ay isu gacan qaadaan maamulkii markaa ka dhisnaa Cadaado iyo Ahlu Sunna. Balse awooddaasi ayaa markii danbe u muuqatey mid wiiqantey.

Ahlu sunna ayaa xilligaas diiday in dowladdii Galmudug ee la dhisay ay timaado goobaha ay ka taliyaan.

Qaar ka mid h hoggaanka Ahlu sunnah

Jabkii ahlu-sunnah

Ahlu Sunnah ayey ciidamada federaalka Soomaaliya kala wareegeen magaalada Dhuusa Mareeb oo xarun u aheyd 29-kii February, 2020-kii, halkaasoo uu ku dhex marey dagaal muddo socdey.

Dagaalka ka dib ayaa hogaamiyayaashii ahlu-Sunaha sida Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macllin Maxamed waxa ay sheegeen in ay nabad qaateen.

Maalmo ka dib dagaalkaasi ayaa waxaa magaalada Dhuusmareeb isaga tagay Sheekh Maxamed shaakir iyo Macllin Maxamed ay isaga tageen Dhuusmareen iyaga oo aaday dalka dibadiisa.

Dib u soo rogaal-celinta Ahlu Sunnah.

Horaantii bishii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa magaalada Dhusamareeb dib ugu laabmay hoagamiyayaasha Ahlu-sunah.

Maclin Maxamed iyo sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa ay halkaasi u tageen siyaaro sida ay sheegeen madaxda dowladda Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaashan in ay colaad abaabulayaan islamarkana ay ciidamo uruursanayaan.

Shalay waxaa deegaanka Bohol, ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunnah.

Wararku waxey intaa ku darayeen in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Bohol, taasoo 20km u jirta magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta maamulka GalMudug, iyadoo dhawaan ay halkaasi Ahlu Sunnah Waljamaaca ay ka sameysatey saldhig.

Xigasho:BBCSomalia