=Nasashada Jimcaha. Q- 272=Weli mala arkay Siyaasi ku dhaartay, in uuna hore Laaluush u bixin, qaadanna.

1. Nin ayaa yiri: Alahayoow Adigaa irsaaqada Gacanta ku hayo, Sannadaha Cumrigeeyga ka dhiman Irsaaqada ii qoran iyo Lacagaha aan heli doono mustaqbalku Adigeey gacantaada ku jiraan. Alahayoow Hadda ayaan qabaa Baahi Lacageed oo aad u weeyn, marka waxaan kaa baryayaa in Lacagaha ii qoran Mustaqbalka inta Cumrigeyga ka dhiman in aad ii soo hor mariso Sannadkaa, waxaan Hadda qabaa Baahi Lacageed oo daran. ( F.S: 1aad).
(Waa kuma Ninkaas?, waa musharax u baahan Laaluush in uu bixiyo )
2.Wiil iyo Gabar aan weligood hore u guursan, Wiilkii ayaa Habeenkii Aqal galkooda Gabadhii ku yiri: waxaan kuu qirayaa in intii aanan ku Guursan aan ahaa Nin tumasho badan, Dumar badan oo xunna waan la soo kulmay, Laakin mar dambe uma noqonayo. waxa ey ku tiri: Nin yohoow Anigaba, wajigaagu iguma cusbo.
(Weli ma la arkay Siyaasi ku dhaartay, in uuna hore Laaluush u bixin, qaadanna, Haddana qirayo in uuna Sameeyn doonin, Qofkaa ha la raadiyo, Musharixiinta ma ku jiraa?)
3. Indhahaaga Xir 90% Kadibna Fiiri Sawirka ( F.S: 2aad ) waxa aad arkee Muuqaalka dhabta ah.
(Siyaasadda Somalida Indhaheena iyo Maskaxdeena oo Furan waan ku Arki weynay, ee Ma indhoolayaal iyo kuwo Aqoon Gaab danleeya ah oo kaliya ayaa loogu tala galay in ey Arkaan)
4. Haddii Xaaskaagu iyada oo careeysan ey ku tiraa: Maxaad tiri, Maxaad tiri ?.
Macnaheedu ma ahan in eynan maqal wixii aad tiri, ee waxa ey rabtaa in ey ku siiso fursad aad uga noqoto wixii aad tiri. ( F.S: 3aad)
(Maxaa wax badan oo la ogyahay la is moogeysiiyay Somaliya, si looga noqdo Xaqiiqdii la ogaaday)
5. Nin ayaa ka qeyb galay Aaska Hogaamiye Sare. aad iyo aad ayuuna u ooyay, Qof shibiso ayaa la waayay. waxaa lagu yiri: Aad iyo aad miyaad u jecleed Marxuumka? waxa uu yiri: Maya ma jecleeyn ee waxaan Culumada ka maqlay, Hala samro haddii Qof idinka dhinto. Ooyinta Badani waxa ey Meydaka u kordhinee Xanuunka cadaabta Qabriga, sidaa ayaana u ooyay ( F.S: 4aad)
(U tacsiyeeynta Madaxdii dhimatay qaar, ma tiiraanyaa mise waa tahluukayohoow naga tag)
6.Madaxweynihii hore ee Dalka Liberia Mr. Charles king, waxa uu ku galay Buuga Taariikhda lagu ururiyo ee loo yaqaan “Guiness World Record “. waxaa lagu xasuustaa heerkii uu ka gaaray Musuqmaasuqii Doorashadiisii Madaxweynenimo ee 1927, waxaa Dalka oo dhan ka codeeyay oo is diiwaan galiyay 15.000 Qof oo kaliya. Laakin waxaa isaga u codeeyay 234.000 Qof. (F.S: 5aad )
(Doorashada Somalia yaa ku gali doono ” Guiness World Record?)
Qore: Yahya Amir