Deg Deg: Dab ka kacay Suuq ku yaala Muqdisho oo ay ka dhasheen khasaare

Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Suuq Boocle oo kuyaal degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.Dabka ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ka bilaawday Goob lagu iibiyo Qalabka Electronic, isla markaana uu ku faafay goobo kale.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in goobta ay gaareen gawaarida dam damiska, isla markaana inta badan ay ku guuleysteen in dabka la demiyo.