Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika.

Waxaa todobaadyadii la soo dhaafay kordhay dilalka Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay gudaha dalkaas ugu geeysanayaan Soomaalida Goobaha Ganacsi ku leh dalkaas.Xalay xilli dambe Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay degaanka Mamelodi oo hoostaga Magaalada Pretoria Ee dalkaasi Koonfur Afrika ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goobtiisa Ganacsi.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Raage Aadan ayaa u geeriyooday dhowr xabadooda oo ay ku dhufteen Kooxaha Burcadda, iyaga oo goobta ka baxsaday, sida uu sheegay mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah oo goobta ku sugnaa.

Waa muwaadinkii labaad ee Soomaali ah oo 48 Sacadood Gudahood lagu dilo dalka Koonfur Acrika, waxaana habeen ka hor degaanka Ga-Mawa Block 7 oo 57 km u jira Magaalada Tzaneen, kaas oo lagu Magacaabi jiray Axmed iyo Gabar Koonfur Afrikan ah oo u Shaqeyneysay.