Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Sudan oo lagu dlay Magaalada Khartoum.

Magaalada Khartoum Caasimadda Suudaan waxaa ka dhacay iska hor imaad dhexmaray Ciidanka Sirdoonka iyo koox katirsan Daacish, inta la xaqiijiyay 5-sarkaal ayaa geeriyootay halka mid kale uu dhaawacmay sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dowladda.waxa ay sheegtay in dhankeeda ay dishay xubno katirsan Kooxda dagaalka la gashay Ciidamada sirdoonka, Nabadsugidda Sudan waxa tilmaamtay in ay xirtay dad ay ku tuhmeyso in ay katirsan yihiin Daacish.

Ciidanka Sirdoonka oo helay macluumad amni ayaa Xaafadda Gabra ee Koofurta Khartoum ka sameeyay howlgal qorshihiisu yahay in lasoo xiro dadkaas balse kooxda oo hubeysneed ayaa rasaas ku bilawday Ciidamada oo 5-askari ka geeriyoodeen hal nuuxna ka dhaawacay.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa tacsi u diray ehelka dadka dhibaatadu gaartay, ciidamada waxa uu amray in ay gacan adag ku qabtaan Kooxdaan oo uu ku eedeeyay “In ay dalka gelinayaan Qalalaase”.

Suudaan waxaa 21-kii September 2021 ka dhacay isku day afgambi balse guuldareystay, Xukuumadda Khartoum waxa ay ku goodisay in ay gacan adag ku qabaneyso cid weliba oo isku dayda in Inqilaab & amni darro.