Axmed Madoobe “Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo, Ikraan…”

Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta warbaahinta ku hadlay magaalada Kismaayo ayaa caddeeyay in maamulkiisu uu garab taaganyahay wasiirka 1aad ee xukumadda Maxamed Xuseen Rooble.Axmed Madoobe ayaa diirada ku saaray khudbadan dhinacyada siyaasada, amaanka, masuuliyada Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha Doorashooyinka, kiiska sargaalad ikraan iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland.

Isaga oo si aan toos ahayn uga hadlaya sheegashada ah maamulada ay shirkii dib-u-dhacay ee Garowe ay ku awood-siiyeen warqadii hakinta awoodaha, Axmed Madoobe ayaa xusay in ay wali garab taagan yihiin Rooble.

“Ra’iisul Wasaaroow masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa si dadban wuxuu uga hor-yimid faragelin la sheegay in Madaxtooyada ay wali ku hayso awoodaha wasiirka koowaad wuxuuna cod dheer ku dalbadey in meesha laga saaro.

“Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay. Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo haloo madax banneeyo shaqadiisa,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay si muuqaal ah uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in haweenaydan ka tirsaneyd hay’ada sirdoonka qaranka ay cadaalad hesho.