Wasaaradda Amniga Jubbaland oo faah-faahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Kismaayo.

Wasaaradda Amniga DG Jubbaland ayaa sheegtay in labo ruux oo rayid ah ay dhinteen halka 7-kale oo saddex kamid ah ay yihiin askar ay dhaawacmeen kaddib markii qarax miino uu ka dhacay Xeebta Qoryooley Xaafadda Farjanno ee Magaalada Kismaayo.Jaamac Axmed Cali Joofane, Afhayeenka Wasaaradda Amniga DG Jubbaland oo la hadlay VOA waxa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaris dheeraad ah si ay u ogaadaan dadkii geliyay miinada sida uu hadalka u dhigay.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah, inta aan ognahay waxaa ku dhintay 2-ruux oo mid kamid ah uu carruur yahay, waxaana ku dhaawacmay 7-qof oo saddex kamid ah Askar yihiin, Laamaha ammaanka waxa ay wadaan baaris” waa sida uu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday kulamo looga hadlayo amniga Magaaladaas oo martigelineysa doorashada labada kursi ee ka harsan Aqalka Sare & Golaha Shacabka BFS.