Rooble oo sheegay inay ka shaqaynayaan cadaaladda Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay Munaasabadda lagu furayay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta ay bilaabatay hadal jeedinta Musharaxiinta ayaa sheegay inuu u taagan yahay cadaaladda, isagoo caddeeyay in Ikraan Tahliil ay heleyso cadaalad.

“Waxaan u taaganahay Cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahlil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiina kheyr u sheega” ayuu yiri wasiirka 1aad ee Xukumadda Faderaalka ah.

“Maxkamadda Milateriga ayaa loo xilsaaray, go’aankeeda ayaa sugeynaa, dhammaan howlaheeda in ay wadato ayaa raieynayaa horayna waa u faray, haddana waa farayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdaan, cadaaladaas ayaa na wada deeqdo” hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul WasaareRooble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta la guda galayo doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya Gobolada Waqooyi, waxa uuna ugu baaqay ergada wax dooraneysa in cadaalada ka shaqeeyaan ayna waxtar ku doortaan xubnaha matalaya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada inay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, iyadoo inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ku sugan yihiin xarumaha deegaanadooda, inta aan ka aheyn Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo Muqdisho ku sugan.