Taliyaha Ciidamada  lugta Uganda oo Muqdisho yimid, kulamana la yeeshay Farmaajo & Rooble.

Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba ayaa Magaalada Muqdisho maanta soo gaaray kaas  oo uu dhalay Madaxweynaha Uganda iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay.

Wararkaa helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiishaan ay la kulmeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan , in kaatoo aan saxaafadda loo soo bandhigin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Safarkaan uu Muqdisho Maanta ku yimid Taliyaha Ciidanka lugta Uganda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf uu weli u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kalena dhawaan Madaxweynaha Uganda uu sheegay hadii la xalin waayo khilaafka uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya.