Qarax lagu dilay Ciidamo Kenyaan ah oo ku sugan Gobolka Lamu.

Qaraxaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhsawac ah ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya waxaa lagula eegtay degaan ka tirsan Gobolka lamu ee dalkaasi Kenya.Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Kolonyo ay wateen Ciidamada Kenya waxaa lala eegtay ,xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa deegaannada Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan gobolka Laamu.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay fureen rasaas farabadan,  balse aysan wax khasaaro ah u geeysan dadka Shacabka ah, hayeeshee dhankooda uu khasaaro kasoo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi qaraxa ah, waxaana Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in lagu dilay 15 Askari oo Ciidamo Kenyan ah, sidoo kalena ay ku bur buriyeen Gaari BG ah walow aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya ay socdaalkooda iska sii wateen, iyaga oo sidoo kale howlgallo miino baaris ah ka sameeyay wadada u dhaxeeysa deegaannada Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan gobolka Laamu

Inta badan Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay Al-Shabaab kala kulmaan weeraro toos ah iyo qaraxyo xilliyada ay ku socdaalayaan devaannada Gobolka Waqooyi Bari, dhinacoodana ay mararka qaar sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.