Maamulka Websetka Somaliweyn oo ka tacsiyeeyay Geerida Majaajiliiste Ajakis oo ku geeriyooday Muqdisho.

Muqdisho:-Allah unaxariisto Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo ka mid ahaa Majaajiliiste dhulka ay Soomaalidu dagto aad looga yaqiinay ayaa  hada ku Geeriyooday  Cusbitaalka Yerdemeli ee Magaaladda Muqdisho.

Marxuumka ayaa maalmihi la soo dhaafay Xanuunsanaa waxaana uu ku jiray mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Cismaan Abokor Dubbe aya uga tacsiyeeyey Umada Soomaaliyeed Geeridii naxdinta lahayd ee ku Timid Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajax)

“Ilaahay ha u naxariisto Cabdi Muriidi Ajakis oo kamid ahaa bahda Fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo goor dhoweyd ku geeryooday Muqdisho. Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo umadda Soomaaliyeed na waan uga tacsidaynayaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Abokor Cismaan Dubbe

Dhan kakale Maamulka Websetkaiyo Idaacadda Somaliweyn ayaa Tacsi u diray Umadda Soomaalieed Geeridii ku timid Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis, oo horay uga soo shaqeeyay Idaacadii Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho,Waxayna Alle uga baryayaan inuu Janadii fardowo ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.