Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobollada Waqooyi oo shaaciyey dib u dhac doorasho.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobollada Waqooyi ayaa warbixin ay xalay soo saareen waxay ku sheegeen in dib u dhac uu ku yimid hadal jeedintii ay maanta jeedin lahaayeen musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaa qoraalka intaa la raciyay in dib laga soo sheegi doono waqtiga.“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka gobollada Waqooyi.

Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September.