Erdogan: “Turkiga waxa uu soo iibsanayaa qaybta labaad ee Gantaallada S-400”.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo wareysi gaar ah siiyay CBS News ayaa sheegay in Dowladdiisa ay damacsan tahay in Ruushka ay kasoo iibsato qaybta labaad Gantaallada difaaca gaar ahaan nuuca loo yaqaan S-400.

Qorshahaan Turkiga uu kusoo iibsanayo gantaallada S-400 waxaa si cad uga hor yimid Mareykanka oo ku hanjabay in uu kusoo rogayo Cunaqabateyn xooggan haddii Ankara gantallaadaas markale kasoo iibsato Moscow.

Erdogan oo marti ku ahaa Barmaanijka (Face The Nation) ee CBS News waxa uu difaacay in .

“Mustaqbalka waxa uu yahay in Turkiga uu horumar wanaagsan ka gaaro nidaamka gantaallada difaaca, keliya waxa aan ku dhaqaaqeynaa qorshaheenna balse ma jirto cid hor istaagi karto” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Mareykanka ayaa diidmo kala hortagay go’aanka Turkiga, waxa uu Ankara ugu baaqay in ay joojiso iibsashada Gantaallada Difaaca S-400 sida uu sheegay Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka.

“Waxaan ku boorineynaa Turkiga heer kasta iyo fursad kasta in uusan horumar ka sameyn Gantaallada Difaaca S-400, waa in Ankara ay ka fogaataa iibsashada qalabka Militariga gaar ahaan kuwa Ruushka” ayuu yiri Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda markii wax laga weydiiyay hadalka Erdogan.

Turkey, Russia, and the Looming S-400 Crisis | Middle East Institute