Ciidamada ammaanka DFS oo howlgal ka wada Ceelasha Biyaha.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa saakay howlgal baaris ah kawada Deegaanka Ceelasha Biyaha illaa Siinka Dheer, waxaana ay joojiyeen isu socodka Dadka & Gaadiidka sida Mustaqbal ay u sheegeen qaar kamid ah Dadka Deegaanka.

Askarta Dowladda ayaa qaybqayb u galay Xaafadaha, goobo kala duwan ayay isugu geeyeen dadka ay soo qabtaan si ay u mariyaan baaris sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan Ceelasha Biyaha.

“Ciidamada ammaanka ayaa saakay xiray waddooyinka dhexmara xaafadaha iyo laamiga dheer ee Ceelasha iyo siinka u dhaxeeya, waxa ay wadaan Baaris” Sidaasi waxaa Mustaqbal u sheeegay qof kamid ah dadka deegaanka.