RW Rooble oo Booliska Somalia & AMISOM kala hadlay Amniga doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu Maanta  la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi ee (Somaliland).Kulanka ayaa waxaa looga hadlay fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga doorashooyinka Aqalka Sare ee Gobolada Waqoogi.

Maalinta Beriyo ah ayaa waxaa la filayaa in Muahrixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ay jeediyaan khudbadahooda musharaxnimo, isla markaana Maalinta Talaadada ah ay dhacdo doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.