Midowga Musharaxiinta: Farmaajo iyo Fahad waxay maleegayaan shirqool iyo dhaqdhaqaaqa ciidan.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay si dhow ula socdeen xal u helista khilaafka ka dhex aloosmay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble iyo Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.Golaha ayaa isla war-saxaafadeedkaas ku yiri” waxaan indhaha ku haynaa dhaqdhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan Madaxweynaha iyo taliyihii hore ee NISA, si ay u carqaladeeyaan hawlaha doorashooyinka, una abuuraan xasillooni darri iyo qalqal amni.”