Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay Gobolka Gedo.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka fuliyay Gobolka Gedo gaar ahaan Deegaannada Warbeele, Buralaha, Golgola & kuwo kale oo hoostaga Degmada Ceelwaaq sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.Duqeynta waxa ay dhacday xalay waqti dambe, Diyaaradaha Kenya ayaa dhowr gantaal ku tuuray deegaanno hoostaga Degmada Ceelwaaq inkasta oo ilaa haatan aan lasoo sheegin waxyeelo ka dhalatay.

Ciidanka Kenya ayaa dhowr jeer duqeyn ka fuliyay Gobolka Gedo, waxyeellada ugu badan waxa ay u geysteen dadka rayidka ah inkasta oo Xukuumadda Nairobi ay dafirtay iyada oo sheegtay in ay ku beegsato Al-Shabaab.

Gobolka Gedo waxaa Kenya ka jooga ciidan ku howlgalla Magaca AMISOM kuwaas oo u diiwaangashay Ururka Midowga Afrika, balse mararka qaar waxaa xadka kasoo gudba askar aanay heysan fasaxa AU-da sida Mustaqbal ay u sheegeen Ilo deegaanka ah.