Ciidamada dowladda oo howlgal ballaaran ka fuliyay deegaano ka mid Gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa howlgallo kala duwan waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo.Howlgalka oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayaa waxaa hoggaaminayay  Taliyaha Guutada 10aad G/sare Warfaa Sheekh  Aadan Faroole , waxana intiisa badan laga sameeyay degaannada ku yaal duleedka degmada Garbahareey.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay baritano ku sameeynayeen Gaadiidka soo galaya degmada Garbahaareey iyo dadka saaran.

Taliyaha Guutada 10aad G/sare Warfaa Sheekh  Aadan Faroole ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa falalka amni darro oo ay geystan Al-Shabaab loona xaqiijin lahaa amniga degaannada ku dhow dhow degmada Garbahaareey.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa ay ka xaqiijinayaan amniga degaannada hoostaga degmada Garbahaareey ayna ka hortagayaan weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalkan ay Ciidamada dowladda Soomaliya ka fuliyeen degaannada hoostaga degmada Garbaahareey ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmadaas.