Ololaha Doorashada Deegaanka Soomaalida oo maanta lasoo gabagabeynayo.

Waxaa maanta lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo ololaha doorashada Baarlamaanka heer Federaal & mid ismaamul ee Dowlad Deegaanka Soomaalida si doorashadu ay u dhacdo 30-ka September 2021 oo ku beegan Khamiista Todobaadkaan.

Musharixiinta iyo xubnaha Xisbiyada taageersan tallaabadaan sida kan talada haya ayaa soo dhaweeyay Xisbiyada siyaasadda ee Diiwaangashan, inkasta Axsaabta mucaaradka ay si cad uga hor yimaadeen ka qaybgalka ololaha socda.

Baarlamaanka Cusub ee Itoobiya ayaa lagu wadaa in kalfadhiisa ugu horreeyo yeesho 4-ta October 2021 sidaas awgeed Guddiga Doorashada maamulaya ayaa go’aan ku gaaray in la dedejiyo doorashada Xildhibaannadii ku metali lahaa Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Xisbiga Talada haya waxa uu meesha ka saaran cabashada axsaabta mucaaradka ah ee la xiriirta in aanay loo simin ololaha iyo in awood gaar ah la siiyay Xisbigaas si kuraasta ugu badan uu u helo sida hadalka loo dhigay.

Guddiga maamulaya Doorashada Baarlamaanka Federaalka & kan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa horay dib ugu dhigay sabab la xiriirta faafitaanka Covid-19, haatan ayaa la qorsheeyay in howshaas la qabto.