=Nasashada Jimcaha. Q- 271=Somaliya, Siyaasigii, Siyaasadda ku dhax Bano, ma Sharcigaa looga dhaqaa, mise Tolkiis ayaa ka dhaqo.

1. Somaliya waxaa ka jirto, Xuriyadda Banaanbax Nabadeed oo aad ku cabirto Dareenkaaga. Laakin si aad u hesho Fasax ogolaasho, waa in aad ku Codsato “Online” Adiga oo isticmaalayo “free WiFi” Password-iga Hayadaha Amniga aadna ku qorto Mobile kaaga. ( F.S:1aad).
( Waa Xuquuq Dastuuri ah, Laakin……)
2. Naag ayaa Habeen barkii u wacday Sodogteed kuna tiri: Haddii Ubadku isku Bano, ma Hooyadaa Saxarada ka dhaqdo mise Aabaha?.
Sodogtii ayaa ku tiri: Cunug kasta Hooyadii ayaa Saxarada ka dhaqdo.
waxa ey ku tiri: Haddaba noo imaad, Wiilkaagii Caawa Lix Saac ayuu yimid isaga oo sakhraansan, waana isku banay. ( F.S: 2aad).
(Somaliya, Siyaasigii, Siyaasadda ku dhax Bano, ma Sharcigaa looga dhaqaa, mise Tolkiis ayaa ka dhaqo)
3. Axmed oo shaqo ka yimid oo Daallan ayaa Wakhtigii Qadada Gurigiisa yimid iyada oo aan Qado la karin.
Xaaskiisii ayuu ku yiri: Maxaa dhacay Maanta?. waxa ey ku tiri: Maanta ayaan soo ogaaday in Diinta Islaamku ey qabto in Haweeneyda eyna waajib ku eheyn in ey Ninkeeda Cunto u kariso.
waxa uu yiri: waa Runtaa, waajib kuma aha Haweenka. Laakin Diinta islaamkuna Waajib ugama dhigin Ninku in uu guursado.
waxay tiri: Xabiibii, Hadda waxaan kuu diyaarinayaa Qadadii aad jecleed ee maxaan kuu raaciyaa?.
( Siyaasiyiintu ha iska fiiriyeen, Garta Shacabka ee ku soo noqon karto)
4. Nin ayaa warqad u Qoray Curadkiisa oo aan weli dhalan.
Ku: Wiilkeyga Mustaqbalka dhalan doono.
Ujeedo: Masuuliyad Dib u dhac dhalasho.
Wiilkeeygoow, Anigu Sabab uma ihi in aadan weli dhalan. waxaa u sabab u ah Hooyadadaada aan Guursan doono oo aanan Dadka ka aqoon, oo weli ku mashquulsan Dhalin yaro wakhti dhumis ah, waxaan ka baqayaa in dhaliyaradaasi ey Caanaha kaa dhameystaan inta aadan dhalan.
waa Aabahaa jecel in aad dhakhsi u dhaanto. Wabillahi Towfiiq. ( F.S: 3aad)
( Wiilasha dhaliyarada ahoow Adinkoo ilka leh nuugidda Naaska iska Dhaafa, Ilmaha aan weli dhalan Caanaha haka dhameeynina. Gabdhoow Adinkuna Aabaha iyo wiilkiinu yeeyna kala daahin.
Siyaasiyoow Adna Tuugada iyo Qabyaaladda dhaaf, Ubadka Somaliyeed ee aan weli dhalan Mustaqbalkooda Gurane haka dhigin)
5. Tuuga ayaa soo xaday Boorso Lacagi ka Buuxdo, markii uu furay Boorsadii, waxaa Dul saaran warqad ey ku qoran tahay: Allaah, Adaan Lacagtaan kugu amaaneystay ee iiga ilaali Tuugada.
Madaxdii Tuugada ayaa markii uu arakay warqadda Tuugii ku yiri: u celi Boorsadaan Halkii aad ka soo qaaday.
Tuugii oo yaaban ayaa yiri, Maxaa dhacay.
Madaxii Tuugada ayaa yiri: waxaan u celinaynaa, Si uuna u xumaan xiriirka iyo kalsoonida Hantiilahaasi la leeyahy Allaah.
waxaan nahay Tuugada Xaddo Hantida Dadka ee ma nihin Tuugada xaddo Caqiidada Dadka. Tuugadana waxaa ugu daran kuwa xaddo Caqiidada, Akhlaaqad iyo Diinta Dadka. Annagu kuwaas waa ka roonahay. ( F.S: 4aad)
( Iska jirhee, Dalka waxaa ku soo badanayo, Tuugada xaddo, Diinta, Dadnimada, Sharafka iyo Qabkii Somalinimo, kuwaa ayaana ka daran kuwa Lacagta naga xado)
6.Qareen ayaa Maxkamadda horteeda ku weeydiiya Haweeneey. Waa maxaay Sababta Ninkaagu u dhintay, Miyaa la dilay? waxa ey tiri: Maya, Isagaa is dilay oo Sun Cabay. Qareenkii ayaa yiri: Laakin Dhaawac ayaa ku yiil Jirkiisa.
Haweeneydii ayaa tiri: Haa, Markii hore ayuu diiday in uu Sunta cabo. ( F.S: 5aad)
( Dad badan oo Xabsiyada Somaliya ku dhintay, Ameey Diideen in ey ku dhax Dhintaan Xabsiga? Jawaabta waxaad ka heli kartaa isla kuwii dilay )
Qore: Yahya Amir