Maxkamadda ICJ oo sheegtay inay ku dhawaaqayso go’aanka dacwadda Soomaaliya.

Hague:-Maxkamadda Cadaaladda Caalamka ee ICJ ee fariisata Hague ayaa iclaamisay goorta iyo goobta ay ka iclaamin doonta go’aanka dacwadda Somalia.

Maxkamadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay go’aanka ku dhawaaqi doonto 12-ka bisha soo aaddan ee Oktoobar.

Waxaa goobta go’aanka laga dhawaaqayo oo ah Aqalka Peace Palace goobjoog ahaan doona Guddoonka sare ee ICJ, Garsoore Joan E. Donoghue.

Waxaa sidoo kale ay Maxkamaddu si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu go’aanku soo baxayo saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 3:00 ama 15:00 pm.

Si kastaba, Kenya oo ah cidda lagu muddacayo ayaa si rasmi ah uga baxday dacwad-afeedkii ugu dambeeyey, iyadoo 99% u muuqata mid diidi doonta haddii laga xukumo.