Shir looga hadlaayo Amniga Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay Taliyeyaaasha Saldhigyada iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha Bosaaso si loo dardargaliyo amniga Bosaaso iyo isku xiritaanka Booliska iyo bulshada xafadaha magaladda.Taliye Xuseen ayaa si wada jir ah warbixino ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada si ay uga warbixiyaan sida ay amniga uga shaqeeyeen xaafadihii loo igmaday.

Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Booliska ku Amaanay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashooyinka timaada xafadaha ay xukumaan.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku dhiirigaliyay Saraakiisha iyo gudoomiyaasha Xaafadaha in si dhab ah ay u xaqiijiyaan amaanka oo bulsha markii ay la soo xiriraan ay uga jawabaan.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Boosaaso kuna amaanay sida ay ugu xiran yihiin laamaha amaanka Gobalka Bari isagoona ugu baaqay in intaas ay ka badiyaan oo ay soo sheegaan kuwa geysanaya falalka amni darro si ay gacan bir ah ugu qabtaan Booliska.