Maskaxdaadu ma Bakhaar Dad leeyahaa?

Cunugaan yar ee Dhafoorada Xiiran, Indhahana Shamiiqsan, Kim Jong- Un waxa uu dhashay 8 Jan 1982. ( F.S: 1aad).
Kama qeyb qaadan weerarkii lagu qaaday Syria iyo Ciraaq, ma Cuna qabateyn Iran, kama soo jeedo kuwii Africa gumeeystay, kama qeybqaadan Xasuuqii Reer Falastiin, kama qeyb qaadan Boobka Khayraadka dabeeciga ah ee Afrika, Hubkiisa Nuclearka ah kuma tijaabin Horushima-Japan, kama mid aheyn isbaheysigii Afganistaan ku duulay, Kuma jirin kuwii ugaarsanay Qadaafi, Dilkii Lomumba kama qeyb qaadan, kuma jirin kuwii Somaliya 5 u qeybiyay, Kidibna isku diray, si Shidaalka Somaliya loo beeylihiyo, Badda Somaaliya Dib haloo cabiro ma dhihin.
Waxa uu xakumaa Dad 46% eyna Diin leheyn, 29% ey kirishtaan yihiin, 23% ey Budist yihiin, Muslimiinta ku nool Korea waa 3000 Ruux oo kaliya, 2000 ka mid ah waxa ey islaameen 20kii Sanno ee u dambeeysay, Markii Masjidka kaliya ahna kii ugu horeeyay “Masjidu Ar-Rahmaan” laga dhax dhisay Safaaradda Iran ey ku leedahay Magaalada Pyongyang, Carabtuna weli Masjid kama dhisin. ( F.S:2,3,4aad)
Kim Jung weligii Dal kale kuma duulin, waxaa laguugu yiri: ‘Dadkiisu Baahi ayeey u dhimanayaan, ma Adigaa tagay?. waxaa lagu yiri: Dimoqaradiyada Reer galbeedka ayuu diidan yahay oo xukunka ayuu ku daahay, Dimoqraadiyadii ey qaateen Boqorada Carbeed. Dadkiisu Daroogada ma isticmaalaan sida wadamada horuumary. waxa uu leeyahay Beero ( F.S: 5& 6aad) warshado ( 7,8,9,10 , 11aad) ,Magaalooyin qurxan ( 12,13,14 &15aad), Hotelo Caan ah sida Horelka 3 gees ( 16 & 17aad) iyo Ciidan Xoog leh ( F.S: 18-32aad)
Media-ha ayaa kuu sheegtay sida ey u rabaan in aad Kim Yong u aragto. Adna waad iska qaadatay.
Anigu, Weligey ma tagin Korea, mana arag Kim Jong, waxaanse akhriyay qoraalo badan oo laga qoray Korea, waan iska shaqshaqay wixii ku qornaa si Maskaxdeydu eyna u noqon Bakhaar la dhigto Badeeco Dad kale leeyihiin oo aanan fahmin.
Korea iyo Somalia Xiriirkoodu waxa uu bilawday 13 April 1967, Somaliya waxa ey u faleen Beero, qalabkii lagu tacbi lahaana waa siisay, waxa ey Hubeeyeen oo ey tababareen Ciidanka Somalida iyo Jabhadii Somali Galbeed, ka hor intaan Dergiga Ethiopia eyna Noqon Shuuci, waxa ey noo dhiseen Xarun jaamacadeed iyo dhismoyin kale, Deyn ma aheyn, Dana Siyaasadeed oo muuqtana noogama badalan.
Somalida ayaa ku maahmaahdo ( Dhal Magaalo weligood Dhurwaa ma arag, hadana waa ka cabsadaan, iyaga oo aan is aqoon ayaa la isku diray).
FG: Haddii Madaxaagu uu noqdo Bakhaar Badeeco kasta oo aadan aqoon lagu keydsado, Diintaada iyo Dadnimadaada ayaa Khatar ku jirto, wax iska hubso, waa iga Talo.
Kuwii iyaga oo og in Somalia ey ka taajirsan tagay Sucuudiga iyo Swedan oo la isku daray ayaa Haddana kaa dhaadhiciyay in Somaliya ey tahay Dal fakhri ah oo u baahan Mucaawino.
Ujeedadu.
Ujeedadu, waa wixii la ii sheego waa iska shaqshaqaa waana iska hubiyaa, si eyna Maskaxdeydu u noqon Bakhaar Dad kale wax dhigtaan. Adigana sidaa ayaan kugula talinaa.
wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir