Lafta-gareen iyo Safiirka Itoobiya oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay.

Muqdisho:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka madaxtooyadda ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb: Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.Madaxweyne Lafta-gareen iyo safiirka Itoobiya ayaa ka wada hadlay Kulanka Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.