Gudoomiyaha Buula-burde oo faafahin ka bixiyay qaraxyo lagu burburiyay dhismaha cusub ee garoonka magaaladaas.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo lagu weerarray dhismaha cusub ee garoonka Buula-burde ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.Qaraxyada oo lagu xiray dhisme cusub oo loogu talagalay dadka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka inay sii maraan ayaa gabi ahaanba dhulka lagu daray sida ay muujinyaan sawiro laga soo qaaday.

Maamulka deegaanka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyeen qaraxyda lagu burburiyay dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Buula-burde.