Booliska Canada oo xiray rag ku eedeysan dilka wiil Soomaali ah.

Ciidamada Booliska magaalada Winnipeg ee dalka Canada ayaa xiray laba eedeysane oo lala xiriirinayo dilka Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf Abiikar oo 26-kii bishii August ee sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi.

Labada eedeysane oo aan Soomaali aheyn ayaa loo heystaa darajada koowaad ee dilka.

Maxamed Yuusuf oo ahaa reer Toronto ayaa marka la dilayay fasax ahaan u joogay maaalada Winnipeg.

Yaasiin Abiikar Cali oo adeer u ah Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan tallaabadaan ay qaadeen Ciidamada, isla markaana uu rajeeynayo in uu Cadaalad helo Wiilkooda.

Dalka Canada ayaa waxaa dhowr jeer oo hore lagu dilay Dhalinyaro Soomaali ah oo aad u farabadan, waxaana dilalka isugu jiraan kuwo ay Soomaalida dhexdeeda isku geystaan iyo kuwa ay ka dambeeyay rag u dhashay dalka Canada.