Al-Shabaab oo Qaraxyo ku burburiyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Buula-Burde.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Qaraxyo miinooyin ah ku weerareen garoonka wuxuuna khasaaraha sababay in gabi ahaanba uu burburay dhismaha qeybta hubinta iyo sugidda Rakaabka Garoonka oo shalay la soo gaba gabeeyay dhismihiisa.Waxaa la ogaaday in hal qof uu ku geeriyooday halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen, garoonka Qaraxa uu ka dhacay, iyadoo si wadajir ah uga howlgalaan Garoonkaasi Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Dhanka kale Garoonka ayaa ahaa isha kaliya ee isku socodka u noqon lahayd Bulshada degmada Buula-Burde oo ay rajaynayeen inay uga baxaan go’doon muddo ay ku hayeen Al-Shabaab.