Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay geerida wasiiru dowlihii warfaafinta ee maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi u diray eheladii, iyo Shacbiga  Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Warfaafinta Marxuum Maxamed Axmed Faarax Kolombo.Madaxweynahaha  oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowlad Goboleedka iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumka oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ahaa Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.