Wararkii ugu Dambeeyay dagaalkii ka dhacay Muqdisho saakay.

Ugu yaraan 4 ruux oo uu ku jiro taliyaha Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax ayaa ku dhaawacantay dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya saakay ku dhexmartay isgoyska Banaadir ee magaaladda Muqdisho.

Ili lagu kalsoonyahay ayaa Mustaqbal u sheegay in dagaalku uu salka ku hayo is-qabqabsi dhul oo maalmihii la soo dhaafay taagnaa.

Illaa haatan, ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka. Cabsida laga qabo waxyeelo soo gaarta shacabka ayaa aad u sareysa maadaama aagaas ay ku yaalaan guryo rayid ah, goobo ganacsi iyo goobaha loo dalxiis tago qaarkood.

Ciidankii dagaalamaya ayaa wali is horfadhiya, waxaana socda dadaalo lagu baajinayo sii socoshada dagaalka.

Taliska Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in uu la xiriiro is qabqabsi dhul ee uusan la xiriirin dagaal siyaasadeed maadaama maalmihii la soo dhaafay guddaha magaaladda ay ka jirtay xiisad siyaasadeed.