Taliska AMISOM oo maamulka Magaalada Marka kala shiraya la dagaalanka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Magalada Marka ahna gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shabellaha Hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa shir la qaatey Saraakiisha ugu sareyso Ciidanka AMISOM ee degaanka  lambar  Onton iyo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.Shirka ayaa si wadajir u shir gudoomiyeen Gudoomiyaha iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Ugandha ee UPDF ee degaankaas Maj Godfrey rwija ayaa waxaa diirada lagu saaray Amniga Magaalada Marka iyo degaannada kale.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka dowladda oo isugu jiray horinta gurmadka 14 Octoober, Saraakiil Ciidanka Gor-gor ku socotay iyo Saraakiisha Ciidanka ilaalada degaanka

Inta shirka uu socdey ayaa waxaa inta badan looga hadley xaalada amni degaanka sidii wax looga qaban lahaa iyo Sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Uturka Al-Shabaab.

Gudoomiye Waafow iyo Taliye Rwija ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda ka dhageysteen xogaha amni ee ay haayaan iyo taatikooyinka loo dajin karo howlgallada la fulin doono.

Maj Godfrey rwija ayaa Ciidanka kula dardaarmey kala danbeynta iyo u dhimashada Qarannimadooda Soomaaliya iyo sido kale sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha Maamulka Magalada Marka Ahna Gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shebellaha hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa ugu danbeyn sheegey in isku xirnaan hadii lagu dadaali waayo ay dhacayso tafaraaruq iyo in ummadii amnigooda la kafaalo qaadey lagu fashilmi karo masuuliyadaas.

Magaalada Marka iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa mararka qaa lr ka dhaca weeraro iyo qaraxyo lala beegsado Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.