ICG: Waxaa suura-gal ah inay Ikraan fashilin rabtay xog ku saabsan dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea.

Warbixin meelo badan taabanaysay oo lagu daabacay bogga Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah ee (ICG) ayaa kiiska IkraanTahiliil waxa ay la xiriiriyeen arrintii muranka badan dhalisay ee ku saabsanayd dhalinyarada tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.

Warbixinta ayaa lagu yiri ” waxa laga yaaba in sarkaalad Ikraan ay rabtay inay shaaca ka qaado ama fashiliso xog ku saabsan arrinta muranka badan dhalisay ee ciidamada Soomaalida ee tobabarka Eritrea loogu geeyay.” 

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u beenisay wararka ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.