28.9 C
Mogadishu
Friday, October 22, 2021
Home Wararka Deg Deg :-Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu hakiyay Awoodaha Rooble

Deg Deg :-Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu hakiyay Awoodaha Rooble

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.Warkan ayaa lagu faafiyay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu R’iisal wasaaraha “ka weecday waajibaadkii loo igmaday xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas”

Farmaajo ayaa ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay inuu “qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni.”

Qoraalka ka soo baxay madaxtoyada ayaa lagu yiri “Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban”.

Farmaajo ayaa sheegay in Rooble sameeyay tallaabooyin xadgudub ah ku xquuqda mushaaraadka ciidamada .

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in arrintaan aaney u hakin doonin howlaha doorashada oo ay sii socon doonaan.Wasiirada ayaa la sheegay in ay sii wadayaan shaqooyinkooda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay “Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka”.