Dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo Muqdisho ka dhacay.

Wararka ka imaanayaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu saakay ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada militariga iyo kuwa booliska Soomaaliya, sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Wararka ayaa intaas ku daray in dagaalku uu ka bilowday muran la xiriira dhul, iyadoo faahfaahin intaas dheer aan laga bixin sababta rasmiga ah ee dagaalkan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, hase yeeshee ilo wareedyo ayaa sheegaya in taliyaha ciidmada ciidanka Haramcad Cabdixamiid C/llaahi Fanax uu ku dhaawacmay. Mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya ee la xiriira isku dhaca labada ciidan.

Dadka degan agagaarka isgoyska Banaadir iyo xaafadaha u dhow ayaa ku waabariistay rasaas cuslus oo labada dhinac isku adeegsadeen.