Hargeysa Bybass oo Qalabkeedii lala baxsaday iyo Gudoomiye Ciise Xamari oo ka aamusan

Maxaa Sababay In musumaasuqa ka socda Jidka Hargeysa Bybass uu ka aamuso Gudoomiye Eng Ciise Xamari oo ah masuulka hogaamiya gudiga jidka isku Wajaale iyo Berbera ee Berbera Corider oo uu kamid yahay mashruucan wadada guud ee dusha marta Hargeysa ee loo bixiyey bypass uu maalgalinayso Dawlada Ingiriiska taasoo qeybo kamid ah qalabkii iyo gaadiidkii lagu dhisayay loola goostay dhinaca Maamulka Puntland deegaano kamid ah iyadoo sidoo kalena dhismaha wadadaasi uu ragaadiyey musuq iyo wax daba marin.

Gudoomiyaha Shirkada Dhismaha  wada GCI, Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed ayaa haatan Hargeysa kusoo laabtay isagoo ka shaqeynaya inuu dambabaso fadeexadaha dul hoganaya dhismaha wadadaaasi Dawlada UK ay bixinaysay Kharashka lacageed oo malaayiin dollar ah oo gaadhay 17 milyan, iyadoo dhawaan ay dalka yimaadaan masuuliyiin dawlada ingiriiska u qaabilsan hay’adaha dhismaha wadadan maalgaliyey oo kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi U gudbiyey cabashada wax is daba marinta ay dareensanyihiin.

Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed ayaa la sheegay inuu kulamo la yeeshay Wasiirka Maaliyada si uu arintaasi u dambabaso isla markaana uu uga difaaco qalabka wadada ee dalka laga saaray iyadoo xukuuada laga talo galin habayaraatee.

Sidoo kale manta waxa dalka socdaal kusoo gaadhay Marwo kate foster Danjiraha UK u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland oo socdaalkeedii u dambeeyey dhagaxdhigtay jidkan, wararka ayaa sheegaya in jidkan fadeexadiisu ay sidoo kale qeyb kayihiin shirka east Africa trade mark kuwaasi oo musuqa qeybka ah isla markaana fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee Kenya.