September 11: Waa kuwee ururada ugu caansan ee ka soo baxay caloosha Al-qaacidda?

Xididdada dhaqdhaqaaqyada Salafi-jihaadku waxay dib ugu noqonayaan dabayaaqadii toddobaatameeyadii ee qarnigii la soo dhaafay, Waxa ay ka bilowdeen Masar, ka dib markii la aasaasay kooxo xag-jir ah oo ujeedkoodu ahaa in lagu soo rogo nidaam “xukun Islaami ah”.

Halkaas waxaa ka bilaabmay fikirka jihaadka, kaas oo ku saabsanaa la dagaalanka cadowga gudaha iyo dibaddaba, yacnii, la dagaalanka maamulada ka taliya wadamada muslimiinta u badan yihiin iyo quwadaha caalamka ee taageera iyaga.

Ikhwaanul Muslimiin, oo uu aasaasay Xasan al-Banna sannadkii 1928-kii, ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay ururada islaamiga ah ee ugu faca weyn u, wuxuuna saamayn weyn ku lahaa dhaqdhaqaaqyada islaamka ee dunida.

Ka dib markii Islaamiyiintu dileen madaxweynihii Masar Maxamed Anwar al-Saadaat 1981, badankooda waxay u qaxeen Afgaanistaan, oo isu beddeshay fagaare “jihaad-doon” oo ka dhan ah Midowgii Soofiyeeti, Mareykanka iyagoo taageero ka helaya dawladaha Khaliijka Carabta oo dhiirri-galinayay socdaalka dhallinyarada Muslimiinta si ay ula dagaallamaan xoogagga Soofiyeeti, iyo xukuumaddii shuuciga ahayd ee Kabul ee dalka ka talineysay ilaa dhammaadkii 1980-maadkii, markaasoo ayna Al-Qaacida u soo if-baxday urur ahaan.

Osama Bin Laden

Ururka Al-Qaacida

Magaca “Al-Qaacida” wuxuu ka soo bilaabmay maqaal uu qoray Abdullah Azzam oo ah (sheekh Urdun iyo Falastiini ah, oo ku dhiirri-galiyay ragga dhallinyarada ah jihaadka, waxaana lagu dilay qarax baabuur 1989-kii) waxaa lagu dabaacay mid ka mid ah majalladaha lagu daabacay Afgaanistaan.

Markaa, Azzam wuxuu ku baaqay in saldhig loo sameeyo mujaahidiinta Afghanistan. Guushoodii halkaas ka dib, qaar ka mid ah dagaalyahanno ka tirsan dalal kala duwan oo Carab iyo kuwa Aasiyaan ah, sidaa darteed waxay si firfircoon ugu faafeen Masar, Liibiya, Sacuudi Carabiya, Urdun, Aljeeriya, Bosnia, Tajikistan, Chechnya iyo waddamo kale.

Sannadkii 1998 ayaa la aasaasay “Jabhaddii Islaamka ee Caalamiga ahayd ee la dagaallami lahayd Yuhuudda iyo Saliibiyiinta”, waxaana billowday wixii loo yaqaannay “jihaadkii caalamiga ahaa” ee Al-Qaacida. Isla sannadkaas waxaa la duqeeyey safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Balse qaraxii ka dhacay Xarumaha Ganacsiga Adduunka 11 -kii September 2001 -dii, kaas oo ay ku dhinteen saddex kun oo qof, ayaa ahaa kii ugu weynaa abid, kaas oo sababay la iclaamiyay dagaal ka dhan ah mujaahidiinta Afghanistan, ee socday muddo 20 sano ah.

Ururo kale iyo dhaqdhaqaaqyo Jihaadi oo Salafi ah ayaa ka soo muuqday gobollo kala duwan, kuwaas oo qaarkood ay ku dhawaaqeen inay daacad u yihiin ururka iyo hoggaamiyahooda Usaama Bin Laadin, kuwo kalena ay ka soo baxeen, laakiin markii dambe waxay sameeyeen ururo madaxbannaan oo wata ajendayaal u gaar ah iyaga oo aan tixraacin Al-Qaacida.

Febraayo 2014: Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee xilligaas, Ayman Al-Zawahiri ayaa ku dhawaaqay in laga baxay Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant, isagoo sharraxay in Al-Qaacida aysan wax xiriir ah la lahayn kooxdan.

Al-Qaacidada Gacanka Carabeed

Qasim Al-Rimi

Waa koox mintidiin ah oo fadhigeedu yahay Yemen oo la aasaasay 2009, isku keentayna shabakadaha xagjirka ah ee Sacuudi Carabiya iyo Yemen waxaa lala xiriiriyaa weerarada lagu qaaday Yemen, Sacuudi Carabiya, Mareykanka iyo Faransiiska.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in la dilay hoggaamiyihii kooxda, Qassem al-Rimi, kadib weerar Mareykanku ku qaaday Yemen bishii Janaayo 2020.

Ururku wuxuu weeraro isdaba joog ah ku qaadayay bartilmaameedyo Maraykanka iyo kuwo kale oo reer galbeed ah oo ku yaal Sacuudi Carabiya iyo Yemen intii u dhaxaysay 2000 iyo 2004.

Xagjirnimada Islaamiyiinta ayaa aad ugu soo badatay Yemen 2006, ka dib markii 23 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Qaacida ay ka baxsadeen xabsi ku yaal Sanca.

Bishii Ogosto 2009, kooxdan ayaa lala xiriiriyay isku day la yaab leh oo lagu doonayay in lagu dilo Muhammad bin Nayef, oo markaas ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya.

Dhowr isku day oo ismiidaamin ah oo ay kooxdu dooneyso inay ka fuliso Mareykanka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2010 balse ay ku fashilantay.

Xarakada Shabaabul ‘Mujaahidiin’ ee Soomaaliya

Qaar ka mid ah xubnaha Al-Shabaab

Waa dhaqdhaqaaq Salafiyiin xagjir ah oo ka soo ifbaxay Soomaaliya 2006 -dii, oo ahaa cudud milatari oo ka tirsan Midowgii Maxaakiimta, oo gacanta ku hayey Muqdisho oo ujeeddadiisu ahayd in dalka lagu soo rogo Shareecada Islaamka.

Hadafkeedu waa in la dhiso dawlad Islaami ah oo ku salaysan aasaaska Shareecada, waxaana lala xiriiriyay Al-Qaacida iyada oo loo marayo dhexdhexaadinta qaar ka mid ah saraakiisha ururada caalamiga ah ee Bariga Afrika.

Sannadkii 2009, xarakadu waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay daacad u tahay al-Qaacida iyo hoggaamiyihii xilligaas, Bin Laden.

Dagaalyahanadooda waxaa ka mid 800 oo dagaalyahan oo ka kala socda waddamada Carabta iyo Pakistan, sida uu qoray wargeyska Faransiiska “Le Monde”.

Xarakadu waxay maamushaa qayb weyn oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, laakiin waxay kaloo ku guulaysatay inay saamaynteeda ku fidiso meelaha ay ka taliso dawladda Soomaaliya, ee fadhigeedu yahay caasimadda Muqdisho.

Warbixin uu soo saaray machadka Hiral, oo ku takhasusay arrimaha amniga, kadib markii uu wareystay xubno ka tirsan Al-shabaab ganacsato, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kuwo kale, ayaa lagu sheegay in dhammaan shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya ay siiyaan mujaahidiinta lacag, lagu bixiyo bil ama “sakada” sanadlaha ah oo gaareyso 2.5%.

Ururka IS Khorasan ee Afghanistan

Isis-K – ama Gobolka Khorasan ee ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah (ISKP)- waa urur-goboleed ka tirsan kooxda Isis (ama kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka) oo ka hawlgala Afghanistan iyo Pakistan.

Waa ururka ugu xag-jirsan marka laga hadlayo dhammaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Afghanistan.

Waxaa la aasaasay bishii Janaayo 2015-kii oo ahayd xilligii ay IS haysatay awoodda ugu sarraysa ee Ciraaq iyo Suuriya, ka hor intii aanay kooxda jabinin isbahaysigii uu Maraykanku hoggaaminayay.

Waxay shaqaaleysiisaa jihaadiyiinta Afghanistan ​​iyo Pakistan, gaar ahaan kuwa ka goosta Taalibaan-ka Afghanistan ​​oo aan u arkin ururkooda inuu yahay mid ku fulinaya wixii ay rabeen.

Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka ayaa lagu qabtay gobolka Nangarhar, Afghanistan.
Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka ayaa lagu qabtay gobolka Nangarhar, Afghanistan.

Isis-K ayaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah gabood-falladii ugu xumaa sannadadii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dugsiyada gabdhaha, isbitaallada iyo xitaa qeybta dhalmada halkaas oo sida la sheegay ay ku toogteen haween uur leh iyo kalkaaliyeyaal.

Si ka duwan Taliban, oo jeedkoodu ku kooban yahay Afghanistan, kooxda Isis-K ayaa qayb ka ah shabakadda IS ee caalamiga ah oo doonaysa inay weerarro ku qaado bartilmaameedyada reer galbeedka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa bani’aadamnimada, meel kasta oo ay gaari karaan.

Isis-K waxaa saldhig u ah gobolka bari ee Nangarhar, oo u dhow waddooyinka mukhaadaraadka iyo kuwa dadka tahriibiya ee gudaha iyo dibadda Pakistan.

Tirada kooxda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3,000 oo dagaalyahan – balse waxaa soo gaaray khasaare aad u weyn markii ay isku dhaceen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afghanistan, iyo sidoo kale Taliban.

Tirada kooxda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3,000 oo dagaalyahan – balse waxaa soo gaaray khasaare aad u weyn markii ay isku dhaceen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afghanistan, iyo sidoo kale Taliban.

Dr Sajjan Gohel oo ka socda hay’adda Aasiya Pacific Foundation, ayaa sanado badan kormeerayay shabakadaha mintidiinta ee Afghanistan.

Wuxuu yiri: “Dhowr weerar oo waaweyn oo dhacay intii u dhaxeysay 2019-kii iyo 2021, waxaa ku lug lahaa iskaashi dhex maray Isis-K, shabakadda Xaqqani ee Taliban iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Pakistan”.

Dagaalyahannada IS ayaa hadda ah caqabad weyn oo xagga amniga ah oo ay Taalibaan wajaheyso, arrintaas oo hoggaanka Taliban ay wadaagaan hay’adaha sirdoonka ee reer galbeedka.

Ururka Boko Xaraam ee ka dagaallama Nigeria

Sawirka dagaallamayaal ka tirsan ururka Boko Haram

Kooxda Boko Xaraam oo micnaheedu yahay ‘waxbarashada reer galbeedka waa xaaraam’ ayaa weeraro ka bilowday dalka Nigeria sanadkii 2009-kii, iyada oo sheegtay in khilaafo islaami ah ay ka samaynayso Waqooyiga Afrika.

Illaa 20 kun qof ayaa ku dhimatay rabshadahan, 2 milyan oo kalena waa ay ku barokaceen sida la sheegay.

Sanadkii 2015-kii ayay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish, balse 2016-kii ayay kala go’een kadib markii Daacish ay sheegtay in la badalay Abubakar, laguna badalay nin kale oo lagu magacaabo Abu Musab Al-Barnawi.

Ururka Boko Haram kama dhaqdhaqaaqa oo keli ah Nigeria wuxuu sida oo kale uu ka dhaqdhaqaaqaa waddamada dariska la ah sida Chad, Niger iyo Cameroon.

Boko Haram waxay soo caan baxday oo ay warbaahinta caalamka soo jiidatay 2014-kii marki dugsi ku yaallo magaalada Chibok ee gobolka Borno oo ay kooxda si aad ah uga dhaqdhaqaaqdo ay ka afduubteen 300 oo gabdhood oo dugsigaasi wax ka baraneysay.

Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda sanaddi 2015-kii kooxda Boko Haram wuxuu ka dhigay ururka ugu waxyeellada badan kooxaha uu machadku ku sheegay argagixisada ee caalamka ka dagaallama.

Deegaannada kooxda gacanta ugu jira ayaa sanadihi ugu dambeeyey hoos u dhacayey maadaamaa ururka dhexdiisa ay kala qaybsnaan ka dhalatay.

Si kastaba ha ahatee, kooxaha islaamiyiinta weli deegaankaasi wey ka dhaqdhaqaaqaan, iyada oo ciidamada dalkaasina ay dadaal ugu jiraan sidi ay kooxdaasi u soo fajari lahaayeen.

kooxda Abu Sayaaf ee Filibiin

.

Kooxdan ayaa loogu magac daray Abu Sayyaf oo ah aasaasihii kooxda oo magaciisa caadiga la yirahdo Abd-Razzaq Abu Bakr Janjalani, oo loo yaqaanay Filibiin Abuu Sayyaf, oo ay dileen ciidanka Filibiin sanadkii 1998-kii.

Kooxdani waxay ka go’day Jabhaddii Xoreynta Qaranka ee “Moro Front” sannadkii 1991 -kii ee koonfurta Filibiin.

Kooxdu waxay higsaneysaa inay dowlad Islaami ah ka hirgaliso jasiiradda galbeedka Mindanao ee koonfurta Filibiin, halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta, waxayna kooxdu xiriir la leedahay ururka “Dawladda Islaamka” ee ka soo ifbaxay Suuriya iyo Ciraaq.

Maraykanku wuxuu ku liis gareeyay kooxdan oo uu ku daray ururada argagixisada, waxaana kooxdan lagu lagu eedeeyaa in ay fuliyeen hawlgallo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin weerar weyn oo lagu qaaday magaalada Ipil ee jasiiradda Mindanao sannadkii 1995, iyo afduubkii iyo dilkii muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa Maraykanka iyo Reer Yurub, si ay dawladda ugu cadaadiyaan inay fuliso dalabkooda.

Waxaa la wareegay hoggaanka kooxda Qaddaafi Janjalani, oo la dhashay Abuu Sayyaf.

Janjalani wuxuu Carabi iyo diinta ku bartay Liibiya, Suuriya iyo Sacuudi Carabiya sannadihii sideetameeyadii.

Markii uu ku laabtay Filibiin 1990 -kii, wuxuu awood u yeeshay inuu soo jiito dhallinyaro badan oo Muslimiin ah si ay ugu biiraan ururkiisa. Waxaa la sheegay in Usaama Bin Laadin uu taageero dhaqaale oo weyn ku siiyay aasaaskii kooxda kadib markii ay ku kulmeen Afgaanistaan ​​dabayaaqadii siddeetameeyadii, waxaana la sheegay in uu ka soo dagaalamay safka hore ee Al-Qaacida ee ka soo horjeeday duullaankii Soofiyeeti ee Afghanistan xilligaas.

Kooxda la baxday Dowladda Islaamka (IS)

.

Duullaankii Mareykanka ee Ciraaq 2003 wuxuu dhiirri -geliyay dhalashada dhaqdhaqaaqyo jihaadi oo salafi ah.

kooxda la magacbaxday Dawladda Islaamka waa urur jihaad doon ah oo Ciraaq ka bilowday, kaas oo markii dambe u guuray Suuriya ka dib dagaalladii sokeeye ee qarxay.

Sanadkii 2004, Urdun Abu Muscab al-Zarqawi wuxuu aasaasay saldhigga “Jihaadka Mesopotamia”, wuxuu horseeday kacdoon hubeysan oo dhiig ku daatay oo ka dhan ah dowladda Ciraaq iyo ciidamada Mareykanka, wuxuuna fuliyay qaraxyo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen kumanaan qof oo rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii al-Zarqawi lagu dilay duqeyn cirka ah oo Maraykanku ka fuliyay meel u dhow Baqubah, waqooyiga Baqdaad, waxaa lagu beddelay Abu Ayyuub al-Masri, oo ku dhawaaqay in la aasaasay “Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq”.

Sannadkii 2010, Abu Ayuub al-Masri ayaa isku qarxiyay suun qarxa kadib markii uu la kulmay weerar gaadmo ah oo ay qaadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ciraaq.

Hoggaamiyaha Ciraaq, Abu Bakar al-Baqdadi, oo ku dhawaaqay 2013, midowga “Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq” iyo laanta al-Qaacida ee Suuriya “Jabhat al-Nusra” si ay u sameeyaan Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant.

Hase yeeshee Jabhadda Al-Nusra, ee uu hoggaaminayey Abu Muhammad al-Julani, waxay ku dhawaaqday sannadkii 2016 inay xiriirka u jartay al-Baqdaadi.

Jabhadu waxay magaceedii u beddeshay “Jabhadda Fatax al-Sham” ka dib markii Maraykanku ku daray liiska argagixisada, markii dambena magaceedii u beddeshay “Xayaat Taxriir al-Shaam”, oo weli ah awoodda ugu weyn ee saamaynta weyn ku leh Gobolka Idlib, waqooyi -galbeed ee Suuriya.

Gobolka Siinaay ee Masar

.

Ururkan ayaa hore loogu yaqiinay magaca”Ansar Beit al-Maqdis” ka hor inta uusan ku dhawaaqin in uu daacad u yahay “Dawladda Islaamka” bishii November 2014.

“Ansar Beit al-Maqdis” ayaa soo shaac baxay kacaankii bishii Janaayo 2011, ka dib markii dabley Falastiiniyiin ah ay ku biireen kooxda “Tawxiid iyo Jihaad” ee Masar ee ka hawlgasha Siinaay, waxayna si wadajir ah u sameeyeen kooxdan.

Kooxdu waxay hawlaheeda ka bilowday Siinaay ka dib markii la afgambiyay Madaxweynihii Masar Xusni Mubaarak waxayna inta badan bartilmaameedsadaan dhuumaha gaaska Masar ee mara Siinaay ilaa Israa’iil.

Markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Masar Maxamed Mursi sannadkii 2013 -kii, kooxdu waxay ballaarisay dhaqdhaqaaqyadeedii waxayna xoogga saartay bartilmaameedka kooxaha amniga Masar iyo ciidamada militariga ee Sinai markii hore, ka dibna waxay ballaarisay hawlgalkeeda oo ay ku dartay caasimadda Qaahira, Goza Governorate, iyo meelo kale.

Kooxdu waxay hawlgalladeedii ku sii baallaarisay Saxaraha Galbeedka, taas oo ka caawisay in dhulka buuraleyda ah ee gobolka ay gabbaad ka dhigtaan.

Weerarada ka dhanka ah Masiixiyiinta ka sokow, ururku wuxuu bilaabay inuu hanjabaad u diro Suufiyada, oo uu u arko inay yihiin bidco. Waxay sheegeen in la dili doono Suufiyada aan toobad keenin.

Hawlgallada kale ee ururka ​​waxaa ka mid ahaa weerarro ismiidaamin ah, toogasho, qoor goyn, dil toogasho ah iyo dilal kale oo qorsheysan.

Ka sokow ururka Wilayat Sinai, kooxo iyo dhaqdhaqaaqyo kale ayaa ka soo baxay Masar, sida Jund al-Islam, Ajnad Misr iyo al-Murabitoun.

Dhaqdhaqaaqyada iyo ururo kale

Waxaa jira kooxo, dhaqdhaqaaqyo iyo ururo kale ee ka jira adduunka, waxaana ka mid ah kuwa maxalliga ah sida Al-Qaacidada Maqrib, Ansaar al-Islaam ee gobolka Kurdistan ee Ciraaq, Ansaar al-Shareeca ee Liibiya iyo Dawladda Islaamka ee Galbeedka Afrika oo uu hoggaaminayey Abu Muscab al-Barnawi.