Maskaxda ayaa qoray looga muday,Yaa ku muday? Yaase lagu muday?

Somalida markii Maskaxda Qoray looga wada  muday. ( F.S: 1aad), ayaa loo qeybiyay 4.5. Shataa Qeyb ayaa:
1. Qolo Cijida Gacantaa Qoray looga muday, si eyna wax u qabsan. ( F.S: 1aad)
2. Qolana Lugtaa Qoray looga muday, si eyna u socon.(F.S: 2aad)
3. Qolana Ishaa Qoray looga muday, si eyna wax u arag.( F.S:3aad)
4.Qolana Dabadaa Qoray looga muday, si eyna u fadhiisan.(F.S: 4aad)
5.Qolana Calooshaa looga muday, si wixii ey Cunto eyna ugu hakan. ( F.S: 5aad).
Qola kasta oo 5ta ka mid ah, dhaxdeeda ayeey Haddana isku sii mudmuday.
Markii Dambe Qolaa iyadana 5taba looga wada muday.
Hadaba: 4.5 sidee loogu kala muday?. Sideey Qolo walba dhaxdeeda isagu sii mudmuday?. Yaa lagu wada muday?. yaase ku muday?
Qore: Yahya Amir.