Amaanka magaalada Jowhar oo si weyn loo adkeeyay iyo Ciidamo badan oo Wadooyinka lagu arkayo.

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in dhawaan ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle.

Ciidanka Booliska ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ka dib markii dhawaan lagu dhaawacay qarax bamboo ah xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Maalinta berri ayaa lagu waddaa in hadal jeedinta Musharaxiinta ay ka bilaabato magaalada Jowhar, halkaasi oo ay ka socotay diwaangalinta musharaxiinta maalmihii lasoo dhaafay.