Wararkii ugu Dambeeyay ee Xaaladda Muqdisho iyo waan waan la doonayo in la dhex dhigo Farmaajo iyo Rooble.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ka dhacay kulamo lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, kuwaas oo isku khilaafay kiiska maqnaanshaha ee Ikraan Tahliil.

Howlaha dhexdhexaadinta ah ayaa waxaa wada Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo shalay yimid Magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay min laba kulan ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in ay jiraan xoogaa isku soo dhawaansho ah.

Xogaha kulamada ay Risaala ka heleeyso ayaa sheegaya in labada dhinac ay kulamada la yimaadeen shuruudo adag oo mid kastana uu doonayo in loo fuliyo.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaaladda siyaasadeeed ee dalka markii loo eego sida ay xaalada aheyd maalmihii la soo dhaafay, hayeeshee uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu weli taagan yahay.