HAYEEY : HIRSHABEELE KHATAR LAGU MALEEGAYO.

Hadal heynta ugu badan Maanta, Goobaha Bulshadu isagu timaad Magaalada Muqdishu ayaa ah:
In loo yeerayo Shaqaalaha Dowladda Dhexe iyo Kuwa Dowladda Hoose ee Muqdishu. weliba kuwa Qaraabo la heh Xildhibaanadda Hirshabeele sida :Waalal, Xaas, Waalid, Sey, Adeer, Dumaashi. Shirkad.ikm.
Waxaa lagu leeyahay Xildhibaanka aad Qaraabada tihiin ee Ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, Hadduu Cod siiyo Xaji Muse Sudi , Adiguna waxaad weyn doontaa Xilka aad ka heyso Dowladda dhexe ama Dowlada Hoose ee Xamar, La hadal, waa in ey Codka siiyaan Hebel.
Odayaasha Dhaqanka ee Qaraabada la ah Shaqaalaha Dowlada Dhexe iyo Dowlada Hoose ee Xamar ayaa iyagana lagu yiri: Jilibka aad Nabadoonka u tahay Waxa ey Dowlada dhexe iyo Tan Hoose ku leeyihiin Hebel iyo Hebel oo Agaasimayaal ah. Ogoow, haddii Xildhibaanka Tolkaa ee Hirshabeele uu Cod siiyo Xaaji Muse, Tolkaagu waxay weyn doonaan Agaasime Hebel iyo Hebel iyo kuwa kale oo aan idiin magacaabi doono, Haddii aan la dooran Xaaji Muse. la hadal Xildhibaankiina ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele Haddii kale……. una sheeg in uu Hebel u codooyo.
Bacdamaa aan toos loo amri karin Xildhibaanada Hirshabeele, ma waxaa laga soo galay Guryaha?.
Hadal heeyntaas ayaa maanta lagu jimceystay Magaalada, Dad badan ayaana ku dhaaranayay Xogta hadal heyntaan Magaalada.
Maxey kula tahay?
Qore: Yahya Amir