Haddii magacaagu yahay ADIGA, magaceyguna yahay ANIGA. Run iska sheeg labadeena keenee Gar darn?.=Nasashada Jimcaha. Q- 269=

1. Naag Shiino ah oo aan Af Somaliga aqoon ayaa waxaa soo Aroosay Nin Somali ah, Xamar ayuu keenay.
waxa ey tagtay Suuqa Xamar weyne si ey uga soo iibsato Liin, si ey Ganacsadaha isku fahmaan, khudaartii ayeey Farta ku fiiqday, waxa eyna taabatay Naasaheeda. Ganacsadihii waa fahmay in ey Liin Rabto.Maalintii 2aad ayey Suuqa Tagtay si ey u soo iibsato Lug dooro. Dharkii ayeey kor u qaaday, kadibna waxa ey taabatay Cajirkeeda. Ganacsadihii waa fahmay, waxa uuna siiyay Lug Dooro. Maalintii 3aad waxaa soo raacay Ninkeeda, waxa ey u baahatay Moos. Xageey tabatay? Hal daqiiqo ka feker. Jawaab ma heshay?. noo sheeg.
( F.S:1aad).
(Yac, ha khaldamin, Ninkeedu soow Somali ma ahan oo Af Somaliga ma yaqaan, wuxuu yiri: Muus na sii.
Waxaa noo joogo kuwo Siyaasada si ey Dadka ugu sheegaan aan aqoon oo iyagu is taataanaayo)
2. Macalin ayaa Arday weeydiiyay. Haddii aad weynaato Naag sidee ah ayaad Guursan leheyd?
Ardaygii: waxaan rabaa Naag sida Bisha ah.
Macallin: waad Dooq fiican tahay, Naag sida Bisha u ifee, oo aan ku gubeyn.
Ardaygii: Macalin sidaa ma ahan, waxaan rabaa Naag sida Bisha Habeenkii ii imaanee, Maalintiina iga maqan.( F.S: 2aad)
(Taa yurubaa laga helaa, waxaa la yiraa, Taxi ayaa ii shaqeeyo. war Xuquuqda haweenka ha la dhowro, wixii Maalintii Alla kugu waajibiyay iska bixi, Ma shaqeystoow)
3. Nin ayaa Saaxiibtii ku casuumay Makhaayad ku taal Wardhiigleey. waxaa loo soo dubay 30 Xabo oo Muufo ah. waxa ey Cuntay 29 Muufo. waxa uu ku yiri: Maxaad u reebtay Xabadaan? waxa ey tiri: Waxaan ka cabsanaa in aan Cayilo. (F.S:3aad).
(Nin Masuul ah oo ka qeyb galayay Shir ka dhacayay Nairobi ayaa $30.000 oo khasnadda ku hartay, ayuu Sahaay Safar u qaatay $ 29.000. waxaa la yiri: maxaad uga tagtay $ 1000 kaan, wuxuu yiri: waxaan ka baqaa Shaqaalaha ishooda, waxaan ugu reebay in kuwa daran Mushaar looga dhigo)
4. Haddii magacaagu yahay ADIGA, magaceyguna yahay ANIGA. Run iska sheeg labadeena keenee Gar darn?. (F.S:4aad).
( Aniga & Adiga kii aad tiraahdaba waad gardaran tahay. Shacabku muxuu ku jawaabaa?)
5. Nin Dhakhtar ah ayaa waxaa uu imtixaan ka qaadayay Arday dhameeysatay Jaamacad Caafimaad. Gabar ayuu weeydiiyay Haddii uu Walaalkaa kaa yar uu Liqo Furihii Guriga, maxaad sameeyn leheed?. waxa ey tiri: Dariishadda ayaan ka bixi lahaa. ( F.S:5aad)
(Gabadhaasi uma fekerin Sida Qof Caafimaad bartay, oo ku dadaali lahayd inuu ka soo matajiyo Wiilka. Ma horeey Qolka Daaqada uga soo gali jirtay?.
Masuul Qurba joog ah ayaa la yiri: Adiga ayaa Amniga ka Masuul ah ee Haddii Magaalada Dagaal ka dhaco maxaad Sameyn leheyd? waxa uu yiri: Airport ka ayaan aadi lahaa. u egaa Reer Kabuul ).
6.. Qofkii Waalidkii inkaaro, meel aan la fileeyn ayaa Musiibo ka soo maagtaa oo Moos ayaa ilkaha kaa jabiyo. ( F.S: 6aad)
(Somaliya yaa soo inkaaray, Qurba joog abuu Moos ah ayaa ilkaha ka jabineeyso. Qurba joogtii Qaayaha iyo Qiimaha leheydna, Qurbahaa Qaboow ku dilaa!!! Somaliya yaa soo inkaaray)
Qore: Yahya Amir