Xundubeey: “RW Asagaba madaxweynahaa magacaabay, haddii hadda laga qaadana wuu diidaayaa”

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dhawaaqay magacaabista wasiir cusub oo baddalaya wasiir xilka laga qaaday.

Rooble ayaa jagada Wasiirka Amniga Gudaha ka wareejiyay Xasan Xundubeey Jimcaale.

Xilkaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo la wareegi doona wasaaradda Amniga Gudaha.

Inkastoo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday xil ka qaadistaa.

Haddaba Xundubey oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inuusan xilka wareejineynin, islamarkaana si khaldan xilka looga qaaday.