UNICEF oo bogaadisay hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cumar Hassan Fiqi oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda UNICEF.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in Hay’adda UNICEF wax ka ogaadaan nidaamka Maaliyadda ee Dawladda Puntland iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Saraakiisha ka socday Hay’adda UNICEF ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta Wasaaradda shaqooyinka wanaagsan ee laga qabtay hanaanka Maaliyadda iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha.