Sidee loo arkay RW Rooble oo Magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.?

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Ra,iisul wasaare Rooble ayaa lagu waddaa in uu isbadal weyn ku sameeyo xukuumaddiisa, maadaama ay isku dhaceen Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale inta badan Dadka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Magacaabistaan, halka ay jiraan qaar jake oo iyana la yaaban magacaabistaan cusub.