Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay CXD Soomaaliyeed.

Baydhabo:-Horjooge Maxamed Nuur Maxamed Xuseen oo magaciisa af-garashada ay u garanayeen Al-Shabaab uu ahaa (guudoow) ayaa isu soo dhiibay Qaybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba.

Horjooge Guudoow oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa uruurinta Zakawaadka beenta ah ee degaanka Dadaarow oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa muddo 7 sano ah ka tirsanaa kooxda nabad-diidka.

Maxamed Nuur Guudow ayaa sheegey in sababta kooxda nabad-diidka Al-shabab uu uga soo cararey  ay tahay caddaalad darida ,dhibaatada iyo boobka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed .

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa koofur galbeed oo is kaashana ayaa in dhowaalaba howl-gallo lagu baacsanayo Argagixisada Al-Shabaab ka waday degaannada uu ka kooban yahay Gobolka Baay, taas oo sababtay inay isa soo dhiibaan malleeshiyaad iyo horjoogayaal uu ka mid yahay Maxamed Nuur Maxamed Guudoow.